Published On: Thu, Jun 2nd, 2016

Wakiilka Midowga Afrika oo cambeereeyay weerarkii Hotel Ambassador

madaira
Ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira ayaa cambeereeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Ambassador  kaas oo ay ku geeriyoodeen ugu yeraan 10 ruux oo ay ku jiraan labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.Ambassador Francisco Madeira  oo ah wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in weerarada lala beegsanayo xarumaha dowladda, siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah waxaa ay muujinaysaa sida Al-shabaab aan wax qiimo ah aan ugu heyn ilaalinta nafta dadka  isla markaana falalka ay sameeyaan ay yihiin kuwo fuleynimo ah.

“ Dadka Sooomaaliyeed waxaa ay doorteen wadada nabadda  si ay u gaaraan dhismaha qaran xasiloon oo barwaaqo ah waqtiga hadda la joogo iyo dhismaha jiilasha soo socoda mana joojineyso ahmigaas falalka fuleynimada ah oo ay wadaan argagaxisada ,” ayuu yiri  Ambassador Madeira.

Waxaa uu tacsi u direy qoysaskii dadka geeriyooday isagoo kuwo dhaawacmay u rajeeyay caafimaad deg deg ah . waxaana uu sidoo kale sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay in si dhow ula sahqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga wadanka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300