Published On: Thu, Jun 2nd, 2016

Turkiga iyo Soomaaliya: Birri maxey ka dhigan tahay?

SONNA-NEWS
Madaxeynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan iyo Madaxeynaha JFS Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa maalinta barito Magaalada Muqdisho si wada jir ah xarigga uga jaraya Safaaraddii ugu weyneed ee Turkiga ka dhiso Adduunka.Safaaradda ayaa laga dhisay dagmada C.casiis ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku fadhisaa dhul ballaaran oo dhinaca ku heysa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, aadna istiraatiiji u ah.

labada Madaxweyne ayaa sidoo kale xarigga ka jari doona mashaariic kala duwan oo dowladda Tukiga ay ka hirgalisay Soomaaliya iyo kuwo horay loo hirgaliyay oo ay maalgalisay dowladda Turkiga.

Socdaalka Madaxweynaha Turkiga waxaa sidoo kale qeyb ka ah heshiiyo ay kala saxiixan doonaan, qaar kamid ah hey’adaha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowladda Turkiga, kuwaas oo isugu jira heeshiiyo wadashaqeyn labada dal iyo kuwo caawimaad ah.

Booqashada Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dajib Ordugaan ayaa ah markii sadaxaad ee uu yimaado dalka Soomaaliya, waxeyna soo jiidatay indhaha dalal badan oo caalamka ah kuna dhiiraday in Soomaaliya yimaadaan, Safaaradona ka furtaan.

Turkigu wuxuu soomaaliya ka hirgaliyay mashaariic kala duwan oo isugu jira hormarin iyo Bini’aadanimo

SONNA

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300