Published On: Thu, Jun 2nd, 2016

Turkiga:  In Midowga Yurub  uu jaro dhaqaalaha AMISOM waa khalad weyn

Turkey2-671x330
In midowga Yurub ay jaraan qeyb kamid ah dhaqaalaha lagu bixin jirey howlgalka AMISOM ee Soomaaliya waa khalad weyn, madaxweynaha dalka Trukiga Recep Tayyip Erdogan  ayaa sidaa sheegay xilli Arbacadii uu booqday Uganda.Dowladda Uganda ayaa sheegtay in bishii la soo dhaafay ay ka fikireysay sidii lagu sii wadi lahaa howlgalka Soomaaliya iyadoo 20% midowga Yurub uu jaray dhaqaalaha AMISOM.

Midowga Yurub ayaa  $200 million  ku bixin jirey sanadkasta howlgalka AMISOM ee Soomaaliyaa kaas oo keentay in la wiiqo awooda kooxda Al-shabaab isla markaana dowladda Soomaaliya ay sameyso horumar balaaran.

Booqashada madaxweyne Erdogan ee Uganda ayaa u jeedkeedu yahay in labada dal ay yeeshan xiriir ganacsi iyo mid dalxiis iyadoo sidoo kale booqashadiisa dalalka Afrika uu abuuri doono fursado kale sida dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo uu booqan doono.

Arbacadii,  ayaa saraakiil Uganda u dhashay waxaa ay sheegeen in madaxweyne Erdogan iyo dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni  waxaa ay yeesheen kulan ayagoo wada saxiixday heshiis iskaashi oo ay kamid tahay dalxiiska, difaac, socdaalka iyo waxbarashada. Turkiga ayaa sheegay in Uganda uu  $600 million ku maalgelin doono warshadaha soo saara dalagayada beeraha iyo kuwo kale ee soo saara tamarta.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300