Published On: Thu, Jun 2nd, 2016

Taliyaha Asluubta Soomaaliyeed oo Austria shir uga qeyb-galaayo+SAWIRRO

1Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed Genaraal Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa shir uga qeyb galay xarunta qaramada midoobay ee Magaalada Vienna “VIC” Dalka Austria.

Sarreye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa dalkaasi Austria uga qeybgalay shirkaan oo socon doona 3 Cisho, kaas oo looga ga hadlaayo arrimo badan oo ay kamid yihiin ka hor tagga dambiyada, horumarinta nolosha iyo mustaqbalka Maxaabiista.

S/Gaas Bashiir Goobe ayaa waxaa kale oo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa dowladaha Shirka ka soo qeyb galaya, waxa uuna kala hadli doona sidii ay iskaashi buuxda ay u yeelan lahaayen dhanka Ciidanka Asluubta iyo Horumarinta Nolosha Maxaabista.

Taliyaha marku shirka soo gabo gaboobo waxa lagu wada inuu sidoo kale kulamo la qaato Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Austria, kuwaas oo uu kala hadli doono taliyaha sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dhammaan xarumaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed eek u burburay dagaalladii dalka ka dhacay

FB_IMG_1464791564570FB_IMG_1464791567993

FB_IMG_1464791761954

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300