Published On: Thu, Jun 2nd, 2016

Saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen Diinsoor oo Caawa la burburiyay

SONNA-NEWS-1
Ciidamda Booliska Gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koofir Galbeed Soomaaliya ayaa caawa burburiyay Saldhig deegaanka Misre ee degmada Diinsoor ay ku lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabab kadib markii ay ciidamada kala wareegeen maleeshiyaadkii ku sugnaa Saldhiggaasi.Wasiirka Hub kadhigta iyo dhaqan celinta dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ciidamada Booliska Gaarka ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Misre, islamarkaana ay la wareegeen saldhig ay maleeshiyaadka al shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada qorsheysan ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasirka ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay isku dayeen in ay iska caabiyaan ciidamada balse loo awood sheegtay kooxihii ku sugnaa saldhigga iminkana ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliska Gaarka ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

“Howlgalku Caawa ayuu dhacay, qasaare wuu jiraa dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa isagoo faahfaahsan laakin waxaa idin xaqiijinayaa in caawa Ciidamada Booliska Gaarka ah burburiyeen Saldhiggii alshabaab ee deegaanka Misre ee magaalada Diinsoor”ayuu yiri Wasiir Xasan Eelaay.

Booliska Gaarka ee dhawaan loo tababaray dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waday howlgalo ay Al-shabaab kala wareegayaan deeganada uu ka taliyo maamulkaasi.

Xigasho SONNA

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300