Published On: Thu, Jun 2nd, 2016

Ciidamada amniga oo la wareegay gabi ahaanba gacan ku heynta Hotel Ambassator

3
Sida ay inoo xaqiijiyeen wariyeyaasha SONNA ee gaaray goobta weerarka uu ka dhacay iyo saraakiil katirsan NISA, waxaa gabi ahaanba ciidamada gaashaan ay la wareegeen gacan ku heynta hotelka Ambassator ee magaalada Muqdisho, iyag oo sidoo kalena toogtay dhamaan maleeshiyadii weerarka soo qaaday ee ka tirsan Al-shabaab.Waxaa SONNA loo sheegay in ciidanku ay la wareegeen qeybaha uu ka kooban yahay hotelka, iyaga oo iminka saaran qeybaha kore iyo hoose ee hotelka.

Waxaa sidoo kale wariyeyaasha SONNA ee hotelka gaaray waxa ay sheegeen in ciidanku au soo bad baadiyeen dadkii ilaa iyo xalay ku go’doonsanaa hotelka, islamarkaana iminka xaaladu ay tahay iney dagan tahay.

Lasoco goor dhow khasaaraha iyo tirada maleeshiyada weerarka soo qaaday.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300