Published On: Wed, Jun 1st, 2016

Xukuumadda oo cambaareysay weerarkii Ambassador lagu qaaday

MAAREEYE
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday hotelka Ambasador ee magaalada Muqdisho.Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda F. Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),  oo si toos ah uga hadlayey Telefishinka Qaranka, ayaa sheegay in ay Xukuumaddu cambaareyneyso weerarkaasi argagixiso, isla markaana ay aad uga xun yihiin ficilladaasi cadowga ay shacbiga ku dhibaateynayaan.

“waxaan u hambalyeynayaan ciidammada amniga Qaranka ee diyaarka ku ahaa agagaarka weerarku uu ka dhacay, una gurmaday hotelka weerarka lagu qaaday, ciidanka ayaa weli wada dedaal xooggan, si ay u badbaadiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay argagixisadu dhibaateynayaan” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

“Waad la socotaan maanta horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa kooxaha dilalka, ayaa ku dhintay duqeyn iyo howlgal ay si wadajir ah u faliyeen ciidammada  Xoogga iyo kuwa Mareykanka, jab xoog leh ayaa gaaray nabad-diidka, lama joojin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guud ahaan argagixisada” ayuu intaa raaciyey wasiirka Warfaafinta.

Dhanka kale ciidammada ammaanka dowladda ayaa ku howlan sidii loo soo gabagabeyn lahaa weerarka ay argagixisadu ku galeen Hotelka Ambassador, iyadoo toogasho lagu dilay malleeshiyaadka ka tirsan, kuwii weerarka soo qaaday.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300