Published On: Wed, Jun 1st, 2016

Wasiir ku-xigeenka Isboortiga oo tartan kubada cagta ah ku soo gabo gabeeyay Balcad

Wasiir-dhuubow
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isboortiga iyo dhallinyarada Mudane Cismaan Aadan Dhuubow iyo wafdi uu horkacayay ayaa socdaal shaqo ku tegay degmada Balcad, isagoo u kuurgalayay heerka is dhex gal  ee  dhallinyada ku nool degmadaasi.Tartan kubadda cagta oo loo qabtay afar kooxood oo ka kala yimid degmooyinka Afgooye, Jowhar iyo labo koox oo ka socotay degmada Balcad, waxaana kaalmaha koowaad iyo labaad ka galay tartankaas labadii koox ee ka socday Balcad.

Intaas kadib ayaa munaasabad lagu qabtay xarunta Degmada oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin iyo dadweynaha degmadaas waxa ay ku soo bandhigeen fanaaniinta barbaarta degmada Waaberi ee gobolka Benaadir Ruwaayad iyo heeso ka turjumayay joojinta tabriinka iyo wax soo saarka dalka.

Guddoomiyaha degmada Balcad Maxamud Maxamed  “Saney” oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in dhallinyarada degmada Balcad ay yihiin kuwo ku xiran maamulka degmada.

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in degmada Balcad ay ka mid tahay magaalooyinka taariiqda kuleh isboortiga dalka, isagoo Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga ka codsaday in ay ka taagerto agabka ay u baahan yihiin dhallinyarada ku nool degmada Balcad.

“Waxaad ogtihiin in degmadaan ay ka mid tahay degmooyinka taariiqda ku leh isboortiga Soomaaliya waxaa halkaan ka dhisnaa jiray naadigii Somali-tex oo aad ogtihiin heerkii ay  gaartay, waxaan kaloo codsanaynaa in Wasaaraddu ay dhallinyarada degmadaan ay u sameyso agabka ay u baahan yihiin”ayuu yiri Xildhaan Qaasim.

Wasiir ku-xigeen ka Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa balan qaaday in dhallinyarada degmada Balcad ay ka caawin doonaan sara u qaadida isboortiga degmada,.

“Waxaan ka taageeri doonaa dhallinyarada degmadaan in ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin Wasaaradda iyo in la helo cayaartooy tayo leh oo Qaranka heer sare gaarsiiyo, waxayna noqon doonaan kuwo magac sameeyo”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Isboortiga.

 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300