Published On: Wed, Jun 1st, 2016

Taliyaha Amisom oo loo magacaabay Sargaal Jabuutiyaan ah

201661636003807960505707Cismaan-Nuur-Subagle1
Wakaalada wararka ee Jabuuti ayaa shaacisay in Ururka Midowga Afrika  Taliye cusub u soo magacaabay Ciidamada Nabad ilaalinta Amisom ee ka jooga Somaaliya.Taliyaha cusub  oo lagu magacaabo Generaal Cusmaan Nuur  Subagle, waxa uu u dhashay dalka Jabuuti, wuxuuna sida ay Wakaaladu sheegtay la wareegi doonaa hoggaanka  22 kun Ciidan  kala duwan ee howlgalka Amisom Somaliya ka jooga  kana kala socoda  dhowr dal oo ka tirsan midowga Afrika.

Xilkan  Taliyenimada Ciidamada Amisom ee Soomaaliya  ee loo magacaabay Generaal Cusmaan Nuur Subagle  ayaa waxaa hore u hayay Gereraal  Kenyaati laga soo billaabo dhammaadkii bishii Dishember 2015kii.

Sida ay Wakaalada Wararka ee Jabuuti qortay waxay magacaabista Taliyahan cusub ku soo beegmeysaa xilli  howlgal xooggan lagula jiro   kooxda Alshabaab sidii looga saari lahaa degaanada ay weli ku hrsan yihiin iyo in ciidamada Dowlada lagu taageero howlgaalkaasi.

Taliyaha cusub ee loo soo magaagaacay Ciidamada Amisom ee Somaaliya Generaal Cusmaan Nuur Subagle  ayaa hore  sanadihii 2012-2013 kii  Taliye  ugu noqday howgalka Ciidamada Amisom ee Somaaliya, wuxuuna  si joogta uga qeyb gala shirka ay yeelanayaan gudiga wada jirka ah  ee looga hadlyo arrimaha Mileteriga ee  hoggaanada dalalka ciidamadooda  ka joogaan Somaaliya.

Xigasho SONNA

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300