Published On: Wed, Jun 1st, 2016

Siyaasadda korontada dalka oo laga hadlay “SAWIRRO”

vlcsnap-2016-06-01-13h29m55s199Tababarkan oo ku saabsanaa sidii siyaasadda lagu horumarin lahaa Tamarka wadanka ayaa maanta loo fuaray shaqaalle ka kala socday  qaar ka mid ah Wasaraaddaha Dowladda, shrirkaddaha korantada  iyo,Jamaacaddaha , waxaa uu socan doona tababarkan  muddo shan maalin ah, iyadoo tababbarka  ay ka soo qeybgaleen Wasiiru dowlaha  Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo xubno kale.

Madaxda isku duwaha  Hay”adda Adra Daahir Shire Maxmaed oo ugu horee hadlay shirka ayaa sheegay in tabababrkan ujeediisa ay tahay sidii  siyaasad loogu raadin lahaa, koranta Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biya , Cabdiwaaxid  Ibraahim Ahmed  ayaa shaqaalaha tababbarka ka qeybgalay ujeediyay in  ay ka faa’iideystaan  tababbarka, isla markaana tilmaayay in laga sugayay  sharciga korantadda Soomaaliya.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha  Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biya , Xukuumadda Somaaliaya Sahra Cabdiqaadir  Cabdiraxmaan ayaa shaqaalaha ka qeybqaadanaya tababbarka  ku boaraajisay in si wanaagsan ay cashiradda u  qaadaatan , iyadoo Wasiiradda ka hadashay ahmiyada uu leeyahay sharciga korantada.

“Koranta faa’ iidda ay u leedahay  beni’aadanka, marka sharcigana waad daremi  kartaa  faa’iidada uu leeyahay  marka hadana korantadda sharci lahayn ma socanayso, marka adigoo ah qeyb ka mid ah  korantaddii shirkad ama Wasaaradii  iyo hay”addii  in aan isku keeno aqoonteena, waa inaa isku keeno fikirka nagu wada jirno, marka waa inaa isku soo aruuurino aan sharci  sameysano” ayay tiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha dalka ayaa  dhawaan ku guuleystay  sameynta sharciga biyaha oo iminka la horgeen doona  Baarlamaanka, waxaana xusid mudan in sharciga  korantada  uu ahmiyad weyn uga fadhiyo dalka hadii la hergaliyo kaasi oo kala hayagaya hay”addaha  kortadda iyo dowladda.

vlcsnap-2016-06-01-13h30m02s28 vlcsnap-2016-06-01-13h30m09s96 vlcsnap-2016-06-01-13h30m15s158 vlcsnap-2016-06-01-13h30m23s240 vlcsnap-2016-06-01-13h30m31s54 vlcsnap-2016-06-01-13h30m43s186 vlcsnap-2016-06-01-13h30m49s248 vlcsnap-2016-06-01-13h31m05s151 vlcsnap-2016-06-01-13h31m13s218

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300