Published On: Wed, Jun 1st, 2016

Howlgallo lagu bur burinayay dhismayaasha sharci darrada ah oo xalay la sameeyay

bur-burin
Ciidamada ilaalada deegaanka oo gacan ka helaya maamulka degmada Waaberi ayaa xalay howlgallo lagu bur burinayo sandaqadaha ku yaalla hareeraha waddooyinka ka fuliyay wadada Maka Al-mukarama.Xoghayaha degmada Waaberi Maxamuud Cabdi Axmed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgallada laga fuliyay saddexda waax ee dhanka wadamada Maka Al-mukarama xigta, kaasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay dib u soo celinta bilicda caasimadda.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in ay joogteynayaan howlgallada lagu bur burinayo dhismayaasha sharci darada ah, waxaana uu digniin u diray dadka doonaya inay wadada hareeraheeda soo dhigtaan sandaqo sharci darro ah, taasi oo uu ku sheegay inay weecineyso bilicda caasimaddu ay leedahay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300