Published On: Wed, Jun 1st, 2016

Horjooge Dulyaddeyn oo duqeyn lagu dilay

Shabaabpix
Saraakiisha Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa SONNA u xaqiijiyay Dilka Horjooge Maxamed Kuuno “Dulyadeen” oo ka tirsan Nabad diidka Al-shabaab kaa soo xalay lagu dilay duqeyn ka dhacday Deegaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 30km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.Horjoogahaan ayaa waxa uu ka mid ahaa horjoogayaal ka tirsan Nabad diidka Al-shabaab oo Horay Madaxooda la dul dhigay lacago aad u farabadan, waxa uuna Al-shabaab mas’uul uga ahaa weerarada ururka Al-shabaab ku qaadi jireen Dalka Kenya.

Tallaabadaani lagu qaarijiyay horjooge Dulyadeyn ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaallada ay dowladda ugu jirto dabargoynta haraadiga Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qaar ka mid ah gobollada Dalka.

Xigasho Wakaalaadda Wararka ee SONNA

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300