Published On: Tue, May 31st, 2016

kulan looga hadlayay arrimaha Federaalka iyo xuduudaha oo Cadaado lagu qabtay-sawirro


Kulankan looga hadlayay arrimaha xuduudaha iyo Federaalka ee maanta Cadaado lagu qabtay ayaa waxaa soo qabanqaabiyay gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee dawlad goboleedka Galmudug.Kulanka oo ay ka qaybgaleen madaxda gudiga xuduudaha, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaridoonaa arrimaha Federaalka, xuduudaha iyo aragtiyada bulshadu ka qabaan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Galmudug, Jaamac Xassan Salaad, ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid xilli muhiim ah ku soo aaday.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga madaxa banaan ee xuduudaha, Muuse Waxgaard C/llahi, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay aragtiyo kala duwan ka qabaan Federaalka, taasna ay keentay in la badiyo wadatashiyada lagu aragti waydiinayo shacabka Soomaaliyeed.

DSC07650 DSC07651 DSC07657 DSC07660 DSC07665 DSC07670 DSC07672 DSC07673 DSC07676

W/D: Maxamuud Cabdi Diirshe

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300