Published On: Mon, May 30th, 2016

Dhaqaatiirta Isbitaalka Badbaado oo baaritaanno lacag la’aan ah ka sameeysay degmada C/casiis+Sawirro

vlcsnap-2016-05-30-17h29m24s232
Dhaqaatiirta ka howlgala  Isbitaalka Badbaado ee Magaalada Muqdisho ayaa baaritaan caafimaad oo lacag la’aan ah u sameeyay dhalinyaro iyo caruur lagu xannanaeeyo xarun ay degmada Cabdicasiis ka furtay Marawada Madaxweynaha dalka Sahro Cumar Xasan, iyadoo dawooyinka la siinayay iyana ay lacag la’ana ahaayeen.Agaasimaha Isbitaalka Badbaado Dr Ibraahim Maxamed Axmed ayaa sheegay in dadka ay adeegyada caafimaad u qabteen ay tiradoodu gaareyso 200,ruux islamarkaana ay siiwadi doonaan caawinta dhalinyarada iyo caruurta xaruntaasi lagu xanaaneeyo.

Mubaarak Sheekh Ibraahim oo ah Maamulaha Xarunta dhaqan celinta caruurta ee ay hirgalisya Marwada Madaxweynaha dalka Sahro Cumar Xasan ayaa u mahadceliyay dhaqaatiirta maanta adeegyada caafimaad ka sameeyay xaruntaasi.

Xarunta dhaqancelinta Caruurta dibjirka ah oo Marwada Madaxweynaha dalka sahro Cumar Xasan ay ka hirgalisay Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku jira ku dhawaad 3,000 qof oo isugu jira caruur iyo dhalinyaro horay dibjir u ahaa oo laga soo uruuriyay waddooyinka magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300