Published On: Sun, May 29th, 2016

Markab sahay gar gaar sida oo Wasaaradda arrimaha gudaha la wareegtay “SAWIRRO”


Markabkan oo siday 11-kun oo tan oo cunto ah ayaa ka yimid dowlada iyo shacabka Turkiga, waxaana loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee qaarkood ay baaruhu saameeyeen.Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa gargaarkan kala wareegtay mas’uuliyiin ka socday dowladda Turkiga iyo hey’ada bisha case e dalka turkiga oo uu horkacayey safiirka dowlada Turkiga ee Soomaaliya.

Danjire Olgan Baker safiirka dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo gudaha dekeda Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in gargaarkan ay ugu talo galeen shacabka Soomaaliyeed, lana gaarsiinayo dadka mudan.

“Waxaan rabnaa inaad nala aragtaan gargaarkan oo ka kooban 11-kun oo tan oo cunto, waxa uu gargaarkan ka ymid shacabka dalka Turkiga, waxey muujineysaa saaxiibtnimada shacabka Turkiga iyo Soomaaliya”ayuu yiri Mr Olgan Baker.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya mudane C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dowladu si siman gargaarkan ay ugu qeybin doonto dadka Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyey dowlada iyo shacabka dalka Turkiga.

“Waan ku faraxsanahay in dowladda Turkiga shacabka Soomaaliyeed ay soo gaarsiiso gargaarkan, dowlada Soomaaliya maalmaha dhow ayey si siman ugu qeybin doontaa shacabka Soomaaliyeed ee gargaarka u baahan”ayuu yiri Wasiiru dowlaha.

DSC04030 DSC04037 DSC04041 DSC04043 DSC04050 DSC04052 DSC04053 DSC04054 DSC04055 DSC04056 DSC04058 DSC04068 DSC04070 DSC04072 DSC04074 DSC04076 DSC04087 DSC04091 DSC04092 DSC04096  DSC04113 DSC04114 DSC04116 DSC04132 DSC04134  DSC04143 DSC04144 DSC04148 DSC04149 DSC04155 DSC04162 DSC04164 DSC04165 DSC04166 DSC04168

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir (Maasgaro)

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300