Published On: Sun, May 29th, 2016

Guddoomiye ku-xigeenka NUSOJ oo lagu soo dhaweeyay Dhuusa mareeb

nusoj
Suxufiyiinta ka howlgala magaalada Dhuusamareb ayaa soo dhoweyn u sameeyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Ururka Suxufiyeenta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ C/fitaax Xasan Faarax ka dib markii uu ka soo qeyb galay doorashadii Ururka, taa soo Muqdisho lagu qabtay bishaan aynu ku jirno.Soo dhoweyn kaddib ayaa waxaa ugu horreyn Warbaahinta lahadlay wariye C/jamaal Macallin Axmed waxa uuna goobta ka sheegay “in wariyaasha ka howlgala Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud looga baahan yahay isku xirnaan iyo waliba inay wacyi galiyaan Bulshada ay u adeegayaan’’

Maxamed C/qaadir Salaad waxa uu ka mid yahay wariyaasha ku sugan Magaalada Dhusamareeb waxa uuna Gudoomiye ku xigeenka kula dardaarmay inuu ka war hayo marxaladaha ay ku howlgalaan suxufiyiinta Goboladaan
Dhexe.

Dhinaca kale Bashiir Maxamed Salaad oo ah madax laanta Gobolka Gal-gaduud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhiniciisa kula dardaarmay dhammaanba wariyaasha Soomaaliyeed kuwaa soo Dalka
iyo dibadiisaba ku sugan inay la shaqeeyaan hogaanka cusub ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn waxaa isna warbaahinta la hadlay C/fitaax Xasan Faarax oo ah Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Ururka Suxufuyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uuna sheegay inay jiraan balan qaadyo loo sameeyey kuwaa soo ay mid yihiin balan-qaad uu u sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamed, isagoo dhankiisa codsaday in la noqdo dad isku duuban si wada jir ahna wanaaga uga wada shaqeeya.

By: Maxamed Cabdi Maxamed

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300