Published On: Sat, May 28th, 2016

Taliska ciidanka Asluubta oo dhaqan celin u sameeyay caruur derbi jiif ahaa “Sawirro”


Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Maanta sii daayey ilaa iyo 18 ka mid ah caruurtii Koola dhuuqa ahaa ee ku dayacnaa waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo Xabsiga dhexe ku qaatay  6 Bilood oo Dhaqan celin iyo Waxbarasho ah.Sareeya Gaas Bashiir Maxamed Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Caruurtan Koorsada dhameystay loo qeybin Doonno ilaa iyo Saddex Qeybood oo kala ah :-

1 –Wixii ka weyn da’da 18 sano in loo Qaadan doonno Askari Ciidanka Asluubta ah,   iyadoo la eegayo Ogolaansho

2- in qeyb ka mid ah Caruurtaasi la siin doonno Waxbarasho Diini iyo mid maaddi ah islamarkaana la bari doonno farsamada Gacanta .

3- qeybta soo hartay oo la siin doonno Lacago guno ah  islamarkaana ay dib ula midoobi doonaan Qoysaskooda .

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Asluubta uu dar dar galin doonno Dhaqan celinta loo sameynayo Caruurta Darbi jiifka ah   oo ay dhawaan  bilaabayaan Howgallo lagu soo Aruuranayo Ciyaalka koola dhuuqa ah ee Magaalada ku dayacan .

Dhalinyartani aya waxa goobta lagu gudoonsiyay lacago ay kusii gataan dhar oo ay kula laabtan familkooda, Si ay uga dhex muuqdaan bulshada caadiga ah.

received_1722976441311032 received_1722976454644364 received_1722977334644276 received_1722977377977605 received_1722977407977602 received_1722977427977600

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300