Published On: Fri, May 27th, 2016

Madaxweynaha oo sheegay in dowladu raali ka noqoneyn in Saxaafada la dhibaateeyo.


xasa2

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay doorka dowladda ay ugu jiraan saxaafada Soomaaliyeed isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba raali ka aheyn in la dhibaateeyo suxufi Soomaaliyeed.

Waxaana uu sheegay in Madaxda Soomaalida ay kaalin ku yeelan doonaan hagaajinta iyo xiriirka udhaxeeya dowladda iyo Saxaafada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saxaafada usheegay in looga baahan yahay in ay ilaaliyaan Mas’uuliyada ka saaran dalkooda sidoo kalena ay ku buraarugaan in dalka uu leeyahay nidaam dowladeed iyo xeerar kala ilaaliya dowladda iyo saxaafada.

Dhanka Madaxweynaha ayaa saxaafada usheegay in aysan simin Wararka Al-shabaab iyo kuwa dowladda isagoo sheegay in wararka Al-shabaab ay dhibaato ku yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Xalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmay ururka NUSOJ isagoo balan qaaday in caafimaad dhanka dibadda ah loo qaadi doono Wariye C/risaaq Jaamac Balaak oo ah Agaasimaha TV-ga Somali Chanel ee qeybta Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300