Published On: Thu, May 26th, 2016

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Uganda

yugandha

Muqdisho, 26 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Jamhuuriyadda Uganda u fadhin doona dalka Danjire Prof Sam Tulya Muhika.

Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga labada dal, siiba dhinacyada tababarka ciidammada, tababarka shaqaalaha rayidka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo waxbarashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha ka codsadey inuu salaan iyo mahad celin ka gaarsiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Museveni.

Danjire Prof Sam Tulya Muhika, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa wakiil uga noqdo, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono wadashaqeynta labada dal.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Axmed Cali Kadiye iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

yugandha1 yugandha3 yugandha5 yugandha6

————–DHAMMAAD———–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300