Published On: Wed, May 25th, 2016

Ciidamo dheeraad ah oo la geeyay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Kismaayo-6

Taliyaha ciidanka Boliiska ee maamulka Jubbaland Xasan Kheyre ayaa sheegay in ciidamo Boliis ah oo dheeraad ah la geeyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iyo sidoo kale Dekeda Kismaayo.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada laga leeyahay ay tahay ciidamada la geeyay Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha in ay adkeeyaan amaanka guud ee labadaasi meel.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidankan ay yihiin kuwa loo tababaray sugida amniga Xarumaha muhiimka ah ee maamulka Jubbaland.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamo Boliis ah tababar loogu soo xeray magaalada Kismaayo, waxaana Tababarka usoo xeray oo goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300