Published On: Mon, May 23rd, 2016

Faahfaahin Dheeri ah Qarax ka dhacay Muqdisho.

 qarax

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa qarax duhurnimadii maanta ka dhacay isgoyska KPP ee degmada Hodan.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday ciidamo fariisin kulahaa isgoyska KPP, waxaana qaraxa nuuciisu uu ahaa Miino dhulka lagu aasay.

Waxaana ku dhimatay 1 qof halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen, dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa la geeyay isbitaalada ka akdhow halkaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa ka dib waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay iyagoo gabi ahaan wadada xiray.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa ay gaareen goobta waxaana ay sheegeen in qaraxa faah faahintiisa oo dhameystiran ay saxaafada u soo gudbin doonaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300