Published On: Sun, May 22nd, 2016

Dhegeysiga Dad loo heysto dhacdadii DIyaarada Daallo oo bilaabatey.

daalo

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib uga bilaabatay dhageysiga dacwadda loo heysto dad ka dambeeyay qaraxii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airline oo xilligaasi ka duuleysay garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan-Cadde.

Maxkmadda ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta waxa ay u fariisatay dacwadda loo heysto dad ku lug lahaa qaraxii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo.

Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ayaa waxa ay sheegeen in dacwadda dadkan loo heysto ay socon doonto ilaa iyo Saddex maalmood.

2-dii Bisha April ee sanadkan ayay aheyd markii qarax loo adeegsaday Laap Top lagu dhex qarxiyay gudaha Diyaaradda Daallo, waxaana ay sababtay dhimashada Hal ruux iyo Labo dhaawac ah oo ka mid ahaa rakaabka Diyaarada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300