Published On: Sun, May 22nd, 2016

Akhriso xeerka madaxweynuhu ka soo saaray hannaanka doorashada dadban

xasan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray xeer uu ku go’aaminayo hannaanka doorashada dadban ee sannadka 2016.Shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtey xafiiska madaxtooyada, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in si looga fogaado khilaaf ka dhex dhasha Baarlamaanka Federaalka, dowladda dhexe iyo maamullada gobollada uu go’aansadey inuu soo saaro xeerkan, iyadoo loo daneynayo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

Qodobada uu Madaxweynuhu xeeriyay ayaa ah kuwan soo socda.

Qodobka 1aad

1. In la dhaqan geliyo Go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016 iyo soo Bandhigidda Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee 30/04/2016 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka.
2. In Hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah Hay’adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta.

Qodobka 2aad

1. In la ilaaliyo mabda’ Dastuuriga oo ah in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay matalaad ku yeeshaan dhammaan degaannada Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.
2. Suurta galinta habka ay ku imanayso matalaadda Muqdisho ee Aqalka Sare iyo xallinta wixi tabasho ah, go’aanna looga gaaro shirka soo socda ee Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka.

Xeerkan ayaa dhaqan-galey maanta kadib markii uu si rasmi ah qalinka ugu duugay Madaxweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300