Published On: Sat, May 21st, 2016

Shir caalami ah oo looga hadlayo hagaajinta nidaamka Dowliga ah ee Adanaha oo isniinta ka furmaya Istanbul.

istanbuul-3-640x360
In ka badan 70 Madaxweyne iyo R/wasaarayaal isugu jira ayaa lagu wadaa in  ay ka qeyb galaan Shir caalami ah oo looga hadlayo hagaajinta nidaamka  hab dhaqanka Adanaha oo isniinta ka  furmi doono Istanbul.Shirweynaha Caalamiga ah oo uu soo qabanqaabiyay Xoghaya Guud ee Qaraamada Midoobay Ban Ki Mon  waxa uu qeyb ka yahay dadaalada Qaraamada midoobay ee ku wajahan la tacaalida arrimaha   dadyowga  dalalka caalamka iyo ka hortaga musiibooyinka.

Qodobada looga hadlayo Shirweynaha  waxaa ka mid yihiin  sidii loola tacaali lahaa arrimaha barakacyaal gaaraya 60 milyan qof oo dunida ku farirsan kuwasoo degaanadooda uga barakacayeen dagaalo, iyo isbedelka cimilada aduunka .

In ka badan 6000 qof oo qeybo kala duwan ka socoda ayaa waxa ay ka qeyb galayaan shirkan Isniinta ka furmayo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Sida laga warqabo 2.7 milyan Suuriyaan ah ayaa waxa ay haatan  ku sugan yihiin dalka  Turkiga kuwaasi  oo ka cararay dagaalka  Suuriya ka socoda, Waxayna ku haminayaan inay Turkiga uga sii gudbaan wadamada Yurub.

Xigasho- Iina.

Tarjume- MUKHTAAR

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300