Published On: Fri, May 20th, 2016

Dowladda Soomaaliya oo dowladda iyo shacabka Masar u tacsiyeeysay

asset-version-fafb587846-277650025
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Radio Muqdisho ayaa lagu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay shacabka iyo dowladda Masar uga tacsiyeeyneyso dadkii ku nafwaayay diyaaraddi ay laheyd Masar ee burburtay xilli ay ka soo duushay Paris.War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka Masar iyo dhammaan ehellada dhibanayaasha iyo qoysaska tiiraanyeysan ee kala dhalashada duwan ee ku waayay dadkii ay jeclaayeen burburkii diyaaradda Masar duulimaadka number-kiisu ahaa 804 ( EgyptAir flight MS804) , taasoo burburtay waaga hore shalay oo Khamiis aheyd.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujineysaa sida ay uga murageysan tahay dhacdada ay ku burburtay diyaaradda rakaabka ah ee Masar ,taasoo la waayay xilli ay dul-heehaabeysay Badda dhexe ee cad (The Mediterranean Sea) socdaalkeeda Magaalada Paris ee ku jiheysnaa Magaalada Cairo , waxaana saarnaa rakaab dhan 66 ruux .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku baaqeysaa laga maar-maanshaha in la dardar geliyo dadaalada caalamiga si loo qaado dhammaan tallaabooyinka laga maar-maanka ah ee baaritaanka iyo dabagalka si loo cadeeyo sababaha keenay burburka diyaaradda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300