Published On: Fri, May 20th, 2016

Agaasimaha wasaaradda Dastuurka oo tababar u soo xiray xubno ka socday ururrada bulshada+Sawirro

c72c84dc-9605-4f9c-9eb4-5695090a4f94

Tababar ku saabsanaa dib u eegidda dastuurka ayaa loo qabtay xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dastuurka waxaana maal gelinaysay hay’adda EISA oo wasaarada kala shaqaysa tababarka shaqaalaha.

Cabdulaahi Maxamed Shirwac gudoomiyaha dallada SOSHENSA ayaa ka qayb galayaasha ka codsaday in waxa lagu baray tababarka ay ugu shaqeeyaan bulshada ay ka yimaadeen.

“Waxaan idnka codsanayaa in aad ugu shaqeysaan aqoonta aad faa’iiddeen bulshadiinna maxaa yeelay haddii aadna adinku fahamsiin bulshada dastuurka aragti qaldan ayay ka haystaan mana u heystaan in iyagu ay leeyihiin dastuurkaan” ayuu yiri C/laahi Maxamed Shirwac.

Madaxa hay’adda EISA Justin doua ayaa uga mahad celiyay ka qayb galayaasha sida ay u ilaaliyeen waqtiga muddadii uu tababarku socday .

“Waad ku mahadsantihiin sida aad u ilaaliseen waqtiga iyo sida aad u dhageysateen casharradii la idin siinayay anagu mar waliba waan idinku caawinaynaa wixii aan awoodno laakiin waa in aad ka faa’iideeysataan waxa la idin barayo”  sidaasi waxaa yiri Justin Doua.

Agaasimaha wasaaradda dastuurka Maxamed Abuukar Zubayr ayaa sheegay in kulamadaan ay qayb ka yihiin gaarsiinta qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan ugala jeednaa kulamadaan loo qabanaayo bulshada sidii loo wada gaari lahaa dhamaan bulshada maxaa yeelay xubnahan ka socda ururada bulshada rayinka waxaa ay xog fiican ka hayaan rabitaanka ummadda ay ku dhex jiraan horey waxaan tababarkaan oo kale ugu qabanay shaqaalaha wasaaradda Dastuurka iyo shaqaalaha guddiyada ku shaqada leh dib u eegista dastuurka. ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka.

8f67a84e-a194-4478-9b12-5885c7718ae9 9f146f09-9259-4b2e-b457-d38ada429440 54b4fa45-b45a-4d3c-8e5f-f5f99fb8a18b 084a042c-0cfd-4b13-b3a7-924147546ed0 524c0eda-fb89-432a-8a9a-8ebe7e014dff ade10066-fa56-463f-96df-89ad96a60032 c246e77b-7cf2-46c5-a1ad-1372a6d5a014 c1753fd7-f2cd-4d40-a839-35daab0c258b e73c4a34-fa08-4ac6-94ff-a6e3fd12ec86 e08739c0-121b-4400-a3b7-8d9b11350086 ea520177-e16e-47df-b644-87412f544b08 ebb9ba5f-a783-4c55-ad1b-e6f3fb35a045

Sawir qaade Farxaan Suleymaan Daahir “Maasgaro”

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300