Published On: Thu, May 19th, 2016

Mas’uuliyiinta dowladda oo kulan la yeelanaya golaha ammaanka ee maanta soo gaaray Muqdisho-Sawirro

13220875_999665190129320_6616310319495328591_nGolaha ammaanka ee qaramada midoobay oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha, ku xogeenkiisa  iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

U jeedada imaanshaha golaha ammaanka ayaa la xiriirta sidii loo dardargelin lahaa qorshaha doorashooyinka dadban ee sanadkan lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka tagay kulanka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha uu xildhibaanada ka codsaday in ay dedejiyaan ansixinta hanaanka doorashada dalka oo golaha shacabka ay gacanta ku hayaan.

Wararka xarunta golaha shacabka imaanaya ayaa sheegaya in ilaa 60 mudane ay is qoreen kuwaas oo doonaya in ay fikirkooda ka dhiibtaan sharciga suurtagelinta doorashada dadban ee dalka.

13220987_999666010129238_1996677692132304945_n 13256044_999665523462620_3757422114552525753_n

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300