Published On: Thu, May 19th, 2016

Guddiga adeega garsoorka ee koofur galbeed oo la soo bandhigay

koof
Kulankan lagu soo bandhigay golaha adeega garsoorka ee dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya oo lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa maamulka koofur galbeed mudane Madoobe Nuunow Maxamed, guddoomiyaha maxkamadda sare ee koofur galbeed, iyo maamulka gobolka Shabeelaha hoose iyo qaar kamid ah bulshada reer Afgooye.Xubnaha golaha adeega garsoorka dowlad goboleedka koofur galbeed ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 9 xubnoo oo leh guddoomiyaha maxkamadda sare, xoghaye guud, xeer ilaaliye iyo garsooriyaal maxkamadeed.

Kulanka ayaa mas’uuliyiintii ka hadashay ayaa waxaa kamid ahaa guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka qaarkood waxayna sheegeen in ay si weyn u soo dhoweyneyaan in garsoor laga hirgeliyo degmooyinka isla markaana talaabo ay tahay talaabo dhanka horumarka loo qaaday.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose, mudane Ibraahim Aadan Cali, ayaa kulanka ka sheegay in ka maamul ahaan ay ku faraxsan yihiin maxkamadda sare ay soo bandhigto qorshaheeda isla markaana ay la shaqeyn doonaan garsoorka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya Sheekh Axmed C/laahi Xuseen ( Fanax) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii dadka ku dhaqan deegaanadan ay u heli lahaayeen cadaalad iyo sinnaan, isagoo dhammaan dadka iyo maamulka degmooyinka in ay la shaqeeyaan garsoorka.

Wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka ay ka shqqeeyaan sidii cadaaladda loo heli lahaa cadaalad la’aana aan wax horumar ah la gaar Karin.

Kulanka ayaa waxaa goob joogka ahaa dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Shabeelaha hoose, waxaana haddii qorshahan uu si dhab ah u hirgelo uu noqonayaa mid loo aayo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300