Published On: Thu, May 19th, 2016

Baarlamaanka oo maanta ka doodi doona sharciga doorashada dadban

Mudanayaasha-Baarlamaanka-Somalia
Kulanka golaha shacabka oo maanta lagu wado in ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la horgeynaya sharciga suurtagelinta doorashooyinka dadban ee sanadkan ka dhici doona dalka kaas oo horey guddoonka baarlamaanka uu u saaray guddiga ka soo tallo bixiya qorshahaasi.Xildhibaan, Maxamed Cumar Maxamuud, oo ah hab-dhooraha golaha shacabka ayaa Radio Muqdisho ku xaqiijiyay in sharciga doorashada dadban uu maanta baarlamaanka ka hadli doono.

Hab-dhooraha baarlamaanka dalka ayaa sidoo kale sheegay in haddii yeraato tirada is qorta si ay fikirkooda ugu dhiibtaan qorshahan ku saabsan doorashada dadban ay macquul tahay in maanta la soo gabagebeeyo isla markaana xubnaha lagu wargeliyay in maanta labada gelin la shaqeyn doono si howshan adag loo soo afmeero.

Sharcigan ku saabsan doorashada dadban ee dalka ayaa ah mid si weyn isha loogu hayo iyadoo maanta ka filayo in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wefdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay, kuwaas oo la kulmi doona madaxda sare ee dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300