Published On: Mon, May 16th, 2016

Wasiirka howlaha guud oo lagu wareegayay qalab xafiiseed

IMG_8587
Qalabka maanta uu wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska xukuunadda Soomaaliya uu kala wareegay hay’ada SSG ( Strengthening of Somali Governance) ayaa ahaa qalab xafiiseed ee hay’adu ugu talo gashay in wasaaradda howlaheeda shaqo lagu hormariyo wasiirka iyo guud ahaan mas’uuliyiinta wasaaradda ayaana uga mahad naqay hay’adaan taageeradeeda.ENG Saalax Sheikh Cismaan, oo ah  Wasiirka Howlaha guud dib udhiska iyo guriyeynta ayaa sheegay in qalabkaan uu wax badan oo faa.ido ah uleeyahay wasaaradda howlaheeda shaqo waxaana uu ku amaanay hay.ada Ssg taageerada ay siisay wasàaradda.

“Qalabkaan waa qalab xafiiseed dhameystiran wax badan oo faa’ido ah ayuu u leeyahay wasaaradda waxaan aad ugu mahad naqayaa hay’ada (Strengthening of Somali Governance) SSG oo runtii wasaaradda taageero la garab taagan kow ma ahan horana kumbuyiitaro 32 ah ayay noogu wareejisay” ayuu yiri wasiirka.

SHAUN MC NOLTY, Madaxa Hay’ada SSG ayaa isagu faah faahin ka bixiyay qalab xafiiseedkaan ay ku wareejiyeen madaxda wasaaradda howlaha guud waxaana dhankiisa wasaaradda uga mahad naqay in ay u ogolaatay in ay taageerto.

Eng Saalax, ayaa dhanka kale waxaa uu faah faahin ka bixiyay safar shaqo oo uu ku gaaray wadanka Maroco iyo shir halkaa uu uga soo qayb galay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamùud, ayaa dhawaan xariga ka jaray xarunta wakaaladda Hindisaha Soomaaliyeed oo si KMG ah ay ugu shaqeyneyso wasaaradda howlaha guud qalabkaan ayaana ah qalabka wasaaraddu ay ku howl gali doonto.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300