Published On: Mon, May 16th, 2016

Kulan looga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta oo Muqdisho lagu qabtay

150818105749_meeting_child_protection_512x288_bbc_nocredit
Doodaan oo socotay dhowrkii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa qaban qaabisay wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay xubno ka socday hay’adaha garsoorka dalka, culima’udiin, ururada bulshada, iyo dhalinyaro waxaana laga dooday sameynta sharci u gaar ah carruurta.Ka qayb galayaasha ayaa maalmihii ay kulan sanaayeen waxaa ay ka doodeen dhismaha maxkamad caruurta u gaar ah iyo sidoo kale sameynta sharciga cadaaladda Caruurta waxaana ay soo jeediyeen aragtiyo ka hadlaya fulinta fikradihii ka soo baxay.

Qaar ka mid ah ka qayb galayaasha ayaa xiritaanka ka sheegay in ay ahayd dood aad u qiima badan oo ay jeclaan lahaayeen in shuruucdaas sameynteeda la dardar galiyo.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Dr.Ismaaciil Jimcaale Calasow, oo soo xiray dood cilmiyeedkaan ayaa waxaa uu sheegay in dalka oo dhan la gaarsiin doono ka doodista sharciga caalamiga ah ee carruurta ka dibna fikradaha bulshada lagu saleyn doono ansixintiisa.

“Waxaan idinkaga mahad celinayaa dooda iyo sida aad fikradaha usoo gudbiseen fikradihina waan aruuri doonaa inta wali aan la gaarina wasaaradda ayaa diyaar ula ah in goobahooda ay ugu geyso si ay uga doodaan” ayuu yiri Dr Jimcaale.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300