Published On: Mon, May 16th, 2016

Ciidanka XDS oo howlgal qorsheysan ka wada gobolka Shabeelaha Hoose

SONNA-7-640x360
Wararka naga soo gaaray deegaanada Aw-dheegle iyo Bariirre oo ka wada tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ku soo waramaya in ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saakay weerar ku qaadeen deegaanada Bariirre iyo Aw-dheegle oo ay ku dhuumaaleysanayeen horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.Saraakiil ka tirsan taliska xoogga dalka Soomaaliya ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee “Danab” iyo ciidamo ka tirsan AMISOM ay howlgallo qorsheysan ku qaadeen deegaanada Bariirre iyo Aw-dheegle halkaasina iyo ku soo qabqabteen saanad ciidan, Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab iyagoo sidoo kalane sheegay in ay soo furteen maxaabiis u xirneyd kooxda Al-shabaab.

Lama oga Illaa hadda khasaaraha ka dhashay howlgalka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay qaadeen, iyadoo wali howlgalladu socdaan.

Taliska xoogga dalka ayaa hore u sheegay in ay xoojiyeen weerarada lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab, iyagoo xusay in marka uu soo dhamaado howlgalka maanta la qaaday ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan faahfaahinta rasmiga ah ee howlgalladaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300