Published On: Sun, May 15th, 2016

Warbixin ku saabsan Xarunta Xannaanada Gabdhaha Agoonta Boondheere+Sawirro

3-3Inkesta oo marxaladaha qaar ee aadka u adag ee uu aadunuhu mar laga yaabo in noloshiisa ay soo marto si gaara carruurta, waxase dhacda isma dhaanto kan waalidkiisa ay u joogaan iyo kan kale kol haddii kan waalidka lihi uusan ubadkiisa wax tari Karin, laakiin carruurta ay labadiisa waalid ama mid u dhintay weli tabasho badan ayuu qabaa waxa uuna isu arkaan ilmo rajo aan lahayn, balse sidaas oo dhan cagsigeeda ayaa la arkaa oo ay dhacda.

Anagoo og in bur-burkii dawladdii dhexe kadib, dalkeenu uu wajahay gaajo, cuduro, dagaalo sokeeye iyo kan fitnada ah ee magaca diinta huwan oo dhamaantood sababeen dhimashada kuman-kun oo dadkeena ah, kuwaas oo si gaar ah u agoonteeyey dhalaan badan oo Soomaaliyeed oo ku nool guud ahaan dalka.

Balse waxaa jira carruur agooman ah oo nasiib u helay in noloshooda iyo waxbarashadooda la damaanad qaado kuwaas oo muwaadiniin Soomaaliyeed, ama hay’addo maxali ah gunta dhiisha isaga dhigay sidii ay uga hiilin lahaayeen u gurmashada qayb kamida agoontaas, waxaana ay qaarkood taageero dhaqaale uga helaan dawladaha khaliijka.

Si aan wax uga ogaado nolosha carruurta agoonta magaalada Muqdisho, waxa aan bartamihii bishii April booqasho ku bixiyey dugsiga xanaanada hablaha agoonta ee Boondheere, isla degmadas ayey xaruntaasi ku taalaa, waxaana ku sugan 450 gabdhood oo 150 kamida ay yihiin agoomo waalidkooda mid ama labadaba ay dhinteen.

Maamulaha Xarunta Boondheere, Marwo Nuurto Maxamed Caddow ayaa ii sheegtay in xarunta la furay sannadkii 2012-kii ayna dawlada Turkiga kaalin ku lahayd furitaankiisa barigaasi balse hadda ganacsato Soomaaliyeed oo aan badnayd ku saacido xarunta dhaqaale lacageed ayna nolosha hablahaas ay aad u uga wanaagsan tahay noloshadoodii hore.

“Waxan haynaa 450 gabdhood, 150 waa gabdho agoon ah oo xarunta si gaar ah mas’uuliyad iskaga saartay, waxbarashadooda, jiifkooda, caafimaadkooda, cuntadooda, 3-dex wakhti bay wax cunaan, 100 waa haween aan waxbarno kaliya, 200 gabdhoodna waa kuwa qoyskooda aanay waxbarasho u awoodin, anaga ayaa hayno, dhinaca manhajka waxbarasho iyo macalimiinta waxaa naga saacida wasaarada Waxbarashada, waxaa jira macalimiin kale aan anaga iska debarno kuwaasi quraanka ,tarbiyada iyo farshaxanka bara ardada, ganacsato Soomaali ah ayaa bishii nagu saacido $2000, Alle baa nagu garab galla”, Nurta Maxamed ayaa sidaa tiri.

Maamulaha dugsiga ayaa ii sheegtay hablahan agoonta qaarkood loo tababaray soo dhaweynta madaxda sare ee dalkeena soo booqda oo la baray heeso, nashiidooyin iyo sida loo garaacaba ayna mararka qaar qarash ku bixiso in abwaano ay heeso u curiyaan si fankana ay kaalin uga yeeshaan waxaa hablahaas la yiraahdaa ‘Ubaxa Boondheere’, waxan laftooda uga gallay fasal kamida iskuulka oo markaas ay kujirtay fanaanada Caanka ah Muslimo Khaasim Hilowle oo si gaar ah u carbisay gabdhaha agoonta ah.

“Ubaxa Bondhere waxa ay soo dhaweeyeen Xoghayaha QM Banki-moon, Madaxweynaha Turkiga Erdogan, Madaxweynaha Jabuti, Ismacil Cumar Gele iyo mas’uuliyiin kale oo badan ayey eeraboorka ku soo dhaweeyeen, waxaa sidoo kale ay soo jiiteen dareenka madaxdii ka qayb gallaysay munasabadii Akademiye Gobaleedka Afka Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabtay horaantii sannadkii hore, si gaar ah Madaxweyne Gelle waxaa loo sheegay in gabdhahan ay agoon yihiin, wuxuuna u balan qaaday in uu u dhisayo guri, wuxuna u dhisay guri ka kooban laba dabaq, jiif iyo waxbarasho u noqda, bisha May ayaa xariga laga jaraa Insha-Allah”,Mumule Nurte ayaa intaasi raacisay.

“Waxan baraa adeegsiga agabka Musikada sida organka waayo waa gabdho awood badan uma lahan adeegsiga agabka kale musika, waxan xifdisiiyaa heesaha wadaniga, iyo kuwa turjumayo nabbadda, waxbarashada iyo jacaylka, dhamaan waxay gudbinayaan fariimo wanaagsan oo saameyn ku leh nolosheena, waxan jecel nahay inaan soo saarno hablo da’yar oo faniin ah”,Muslim Khasim Hilowle ayaa tiri.

Waxa aan sidoo kale la sheekaystay hablaha agoonta ee Ubaxa Boondhere, waxana ay ii sheegeen in nolol fiican iyo waxbarasho ay ku haystaan ayna gallad gaar ah uga hayaan Marwada maamulaha ka ah dugsiga, Nuurto Maxamed Caddow.

Ma ahan mas’uuliyad yar in la kafaalo qaado agoon, waxaana illa haboon in aan da’yarta noocaasi ah ay dadkeenu il gaar ah u yeeshaan kuna saacido dad ku dayashada mudan ee wakhtigooda oo dhan u huray inay u khidmeeyaan carruur aan dugsi kale qabin.

4-1 5-2 7-3 Carruur2-640x360

W/Q:  Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300