Published On: Sat, May 14th, 2016

Nin Alshabab ka tirsanaa oo lagu diley gudaha Kenya.

Subira-Sudi-MwangoleNinkaasi oo la oran jirey Subiira Suudi Mawangole oo bishii Feberaayo ee la soo dhaafay ka soo goostay Alshabaab, iskuna dhiibay dowladda Kenya ayaa lagu soo waramay in lagu dilay Degmadda Kawaale oo uu horey isaga dhiibay.

Sarkaal ka tirsan Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa ku eedeeyey xubno ka tirsan Alshabaab inay ka dambeeyeen dilkaasi, waa sida ay hadalka u dhigeen, mana jirto koox sheegatay dilkaasi.

Subiira Suudi Mawangole oo Wargeyska The Standard wareysi siiyey Bishii Feberaayo 23-dii waxa uu tilmaamay inuu ka mid ahaa Dagaalyahano Shisheeye oo ay Alshabaab tababar Milliteri siiyeen, si ay uga mid noqdaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Waxa uu xusay inuu Alshabaab ku biiray, kadib, markii uu ka mid noqday Dhallinyaro Kenyan ah oo ay Tashkiiliyeen labo Sarkaal Kenyan ka tirsan Alshabaab oo la dilay, kuwaasi oo uu magacyadooda ku sheegay Xasan Suleyman Mwayuyu iyo Xasan Bakaari.

Dhinaca kale, Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho ayaa sheegay inay isa soo dhiibeen ku-dhawaad 1,500 dhallinyaro Kenyan horey uga tirsanaa Alshabaab, kuwaasi oo uu tilmaamay inay ka faa’ideystaan Cafiska Dowladda Kenya soo saartay sannadkii hore.

Xafiis Wareedka Markacadeey.com
Muqdisho-Soomaaliya
E-mail: markacadeeymedia@gmail.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300