Published On: Fri, May 13th, 2016

Kooxda Xilsbullah oo xaqiijisay in Siiriya looga diley Taliye sare

MOSTAFA

Wakaalada Wararka AP ayaa shaacisay in Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnan ay xaqiijisay in laga dilay Taliye sare oo kooxda ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Mustafe Amin Badridiin.

Taliyahan ayaa lagu dilay howlgal dhinaca cirka oo ay fuliyen maamulka Yahuuda sida laga soo xigtay Telefishinka Al-Mayadeen TV oo ku dhaw Kooxda Xisbullah.

Ninkan la dilay waxa loo heystay isaga iyo dad kale oo badan iney shirqool ku dilen Ra’iisul wasaarihii hore ee Lubnan Rafiiq Xariiri sanadkii 2005.

Mustafe Badrudiin ayaa ku jiray liiska dadka argagixisada ee Mareykanka waxa uuna ahaa nin aad loo doon doonayay.

Wakaalado.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300