Published On: Fri, May 13th, 2016

Dowlada Soomaaliya oo hub ku wareejisay Kenya

kenyaWarbaahinta Kenya ayaa sheegeysa in ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Jubbaland ay ku wareejiyen dowlada Kenya hub la sheegay in Al Shabab ay dooneysay iney ku wareerto magaalada Mandheera ee Waqooy Bari Kenya.

Hubkasi Kenya lagu wareejiyay waxa ku jiray Miinooyinka dhulka lagu aaso,Rasaas iyo qoraga nooca AK oo la doonayay in weerarka lagu fuliyo sida saraakiisha amniga Kenya laga soo xigtay.

Taliyaha Mandheera Fredrick Shisia ayaa u mahadceliyay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo uu ka codsday iney sii wadan iney la shaqeeyan laamaha amniga Kenya.

Al Shabab ayaa dhowr weerar ka fulisay Magaalada Mandheere labadii sanno ee la soo dhaafay waxaana dhowr jeer ka badbaaday gudoomiyaha Mandheere Cali Roba.

Radio Dalsan

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300