Published On: Thu, May 12th, 2016

Madaxweynaha oo ka qeygalaya caleemo saarka dhigiisa Uganda

musaveni-xasan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo oo ku sugan magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu halkaasi uga qeyb galo munaasabad lagu caleema saarayo Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaas, Mr. Yoweri Moseveni.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caleema saarka kadib waxaa lagu wadaa in uu kulamo gaar gaar ah la qaato qaar ka mid ah madaxda ka qeybagaleyso munaasabadda, si uu ugala hadlo arimaha Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee ka jira gudaha dalka.

Yoweri Museveni ayaa dib loo doortay 20-kii Bishii February ee sanadkaan, iyadoo doorashadaas uu qaadacay Hogaamiyaha Mucaaradka ah Kizza Besigye oo la tartamay Madaxweynaha Wadanka Uganda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300