Published On: Wed, May 11th, 2016

Beledweyne: Dibad bax ka socda iyo Goobaha ganacsiga oo xiran

Beledweyne_Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaalada uu ka socdo Banaanbax ballaaran oo ay dhigayaan ganacsatada iyo sidoo kale bulshada kunool magaaladaas.

Banaan baxayaasha ayaa isku soo baxay bartamaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxayna kala la yimdaan afarta xaafadood ee Baledweyne.

Ujeeda Banaanbaxa ayaa ahaa sarifka lacagta dollarka oo sare u kacay iyo sicir barar ka jira magaalada Baledweyne.

Wararka ayaa sheegaya Boqolka Doolar ($100) markii hore lagu kala sarifanaayay Magaalada 2400 Shilin Somali ah, halka hada uu maraayo 3600 oo Shilin Somali ,tasoo welwel iyo dhibaato u keentay bulshada kunool magalaadaas.

Dhawaan ayey ahayd markii banaan baxyo ku aadan sare u kaca sarifka lacagta dollarka lagu qabtay magaalada Garoowe.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300