Published On: Tue, May 10th, 2016

Wasiirkii Hore ee Wasaarada Boostada oo xilka wareejiyey Maanta

BoostadaWaxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen Wasiirka cusub ee wasaaradda Boosta Maxamed Jaamac Mursal iyo Wasiirkii hore ee wasaaradda Guuleed Xuseen Qaasim ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Boostada ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadaani ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Wasiirkii hore ee Boosatada, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo aad u farabadan.

Ugu horeyn waxaa goobta hadal kooban ka jeediyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada, Guuleed Xuseen Qaasim oo sheekeeyay maraxladihii kala duwanaa ee ay soo martay wasaaradda iyo meesha hadda ay hawshu mareyso.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Boostada Maxamed Jaamac Mursal, waxa uuna ugu horeyntii u mahadceliyay dhamaan ka soo qaybgalayaashii munaasabadda iyo guddida loo xilsaaray xilwareejinta.

Waxa uu sheegey in shaqadu tahay mid isku dhiib ah uuna ka sii wadi doono meesha uu kaga tagay Wasiir Maxamed Ibrahim, waxa uuna ka codsadey shaqaalaha wasaaraddu iney u diyaargaroobaan shaqo iyo isbedel dhab ah.

Ugu danbeyntii waxaa munaasabadda soo xiray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay in wasiirka cusub iyo shaqaalahaba looga fadhiyo isbadal dhab ah.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300