Published On: Tue, May 10th, 2016

Wararkii ugu dambeeyay Weerarkii Sh/Hoose ee Mareykanku Qeyb ka ahaayen.

al-shabab-militants_650x400_71423673051

Wararka laga helayo Degaanka Tooratoowow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay Dadka Degaanka ku Amreen in aysan Guryaha ka soo bixi karin,waxaana ay Arrintaan timid ka dib Weerar Ciidamada mareykanka ay Xalay ku qaadeen Degaankaasi.

Qaar kamid ah Dadka ku nool Tooratoorow oo diiday in Codkooda iyo Magacooda intaba loo adeegsado warbaahinta ayaa noo Xaqiijiyay in Magaalada Gudaheeda gaar ahaan Saldhig Ciidan oo Al-shabaab ay ku leeyihiin Tooratoorow uu ka dhacay dagaal Mudo Hal Saac qaatay.

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Weerarka ku qaaday Shabaab ay halkaa ku dileen Saraakiil Shabaab ah,qaarna ay Nolol ku wateen.

Al-shabaab oo ka hadlay Weerarka ka dhacay Tooratoorow,waxaana ay sheegeen in Ciidan Mareykan ah ay kula dagaalamaan War laga cabo Biyaha oo 2-KM u jira Tooratoorow.

Marka laga soo tago Wararka sheegaya in Ciidanka mareykanka ee Weerarka ku qaaday Tooratoorow ay dileen rag Shabaab ah kuwana ay Nolosha ku wateen ayaan waxaan jirin Illo madax banaan oo Xaqiijinaya Khasaaraha halkaa ka dhacay.

Dowladda Mareykanka ayaa Duqeymo kala duwan  dhowr jeer ka Fulisay Gobolka Shabellaha Hoose iyo Gobolo kale oo dalka ku yaalla.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300