Published On: Tue, May 10th, 2016

Isgaarsiinta Deegaanka Tooratooroow oo Weerar uu ka dhacay oo hawada ka maqan

isgaarsiin-620x330

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay lagu qaaday Saldhig ay Al- Shabaab ku leeyihiin deegaanka Tooratoorow ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Al- Shabaab ayaa waxa ay warbaahintooda ku sheegeen in aysan waxba khasaare soo gaarin ciidamadooda, ayna ka hortageen oo ay fashiliyeen weerar uga yimid ciidamada Mareykanka waa sida ay sheegeeneen.

Saraakiisha Nabad sugidda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ciidamadooda ay qeyb ka ahaayeen howlgalkan.

Dhanka kale war goor dhow ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in howlgalkii xalay ka dhacay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose ay fuliyeen ciidamadooda.

Al- Shabaab maanta waxa ay bandow galiyeen magaalada oo dhan iyo deegaanada u dhow iyadoo Isgaarsiinta deegaanka Tooratoorow ay hada tahay mid hawada ka maqan.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300