Published On: Tue, May 10th, 2016

Ciidamada ammaanka oo saaka qabtay gaari lagu soo buuxiyay walxaha qarxa

gaari-arax-2
Ciidamada ammaanka  ayaa saaka qabtay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in gaarigaan ay qabteen ciidanka amaanka, wuxuuna sheegay in lagu qabtay Isgoyska Sayidka.

Gaarigaan oo ay ku xirnaayeen Walxaha Qarxa ayaa la sheegay in la dhigay Isgoyska ka dibna laga tagay oo la doonayay in lagu laayo shacabka halkaasi ku sugan ama ku dhowaa, waxaana ogaaday ciidanka amaanka oo ka hortagay isla markaana qabtay gaarigaan.

Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in haatan baaritaano ay socdaan goor dhow warbaahinta loo soo bandhigi doono Gaarigaan ay qabteen ciidanka amaanka oo haatan lagu howlanyahay in Qaraxyada laga furo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caadaysatay inay weeraro la beegsato goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah ayaga oo doonaya inay laayaan dadka Rayidka ah ee aanan waxba galabsan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300