Published On: Mon, May 9th, 2016

Madaxweyne Xasan oo dalka dib ugu soo laabtey

soo_laabtey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho, kadib markii uu magaalada Djibouti kaga soo qeybgaley xafladdii caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowaan markii afraad dib loogu doortey talada waddanka.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Djibouti ay door weyn ka qaadey dib u soo kabashada Soomaaliya, guusha uu Madaxweyne Geelle doorashada ku hanteyna ay sii xoojin doono xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka Federaalka iyo saraakiil kale ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

soo_laabtey1 soo_laabtey3

————–DHAMMAAD———-

Daud Aweis

Afhayeenka Madaxtooyada

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Email: daweis@presidency.gov.so

www.villasomalia.gov.so

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300