Published On: Mon, May 9th, 2016

Gudoomiye Jawaari oo ka qeybgalay kulan looga arrinsanayay sameynta sharciga doorashooyinka

Guddoomiye-Jawaari-Billad-Giuseppe-Pitre-2
Guddi howleed barlamaanka ugu xilsaaran   curinta mashruuc sharci oo lagu jihaynaya hananka doorasho ee dalka  ayaa manta kulan ku yeeshay xaruunta Villa Hargaysa ee magalaadda Muqdisho kaas oo ay uga arrinsanayeen   samaynta sharciga lagu toosinayo doorashooyinaka  la filayo in ay dalka ka dhacan sanadkaani.Guddoomiyaha golaha shacabka jamhuuriyadda fereaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh, Cismaan “Jawaari”  iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad  Barlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad  ahna guddoomiyaha guddiga ayaa kulanka  goob joog ka ahaa.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 21 xubnood ayaa si wayn uga dooday qodabadda ku  ku jira qorsha xukumadda ay usoo gudbisay barlamaanka ee la xariira si loo waafajiyo mashruuca sharci ee lagu jihaynayo doorashooyinka la filayo in ay dalka dhacan  sanadkaan 20016ka

Dodda guddiga ayaa waxaa ka sooo baxay in hadii Alle idmo uu shirkaani sii socdo ilaa bari isla markaana uu ka soo qayb galo Ra’iisaraha xukumadda Mudane Cumar Cabdirashid si looga talogaliyo  samaynta  sharciga doorashadda dadban ee lagu  guda jiro samayntiisa  si su’allo looga waydiiyo qaar ka mid ah qodabadda ku jira qorshaha xukumadda ee doorashooyinka , sida uu warbaahinta qaranka u  sheegay  habdhowraha barlamaanka Maxamed Cumar Codka

30-ka bishii May  ayey ahayd markii Ra’iislawasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Cuamr Cabdirashiid uu barlamanaka u gudbiyey qorshaha xukumadda ee doorashooyinka la rajaynayo in ay dalka ka dhacaan , qorshaahaasi oo saldhig looga dhigay qobabadi ka soo baxay shirki madasha wada tashiga heerka qaran ee lagu qabtay magalooyinak Muqdisho iyo Kismaayo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300