Published On: Mon, May 9th, 2016

Faahfaahinta Weerarkii Qaraxa ee lala eegtey xarunta taraafikada.

taraafiko5

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saakay ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Labo ruux oo watay gaari yar oo Kaarib ah ayaa mid ka mid ah oo kaxeynaayay gaariga wuxuu isku qarxiyay Afaafka hore ee xarunta Visha Taraafiko, iyadoo ruuxii kale isaga oo cararaya gudaha u galay xaruntaasi.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa la xaqiiyey in ay ku dhinteen ku dhawaad 5 qof oo labo ka mid ah ay yihiin dadkii is qarxiyey, halka 3 kalana ay ka tirsan yihiin ciidanka ilaalada wadooyinka waxaana ku dhaawacmay tiro dad ah gaaraya 10 ruux.

Goobta uu ka dhacay Qaraxa ayaa haatan waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan dowlada iyo waliba ciidamo badan kuwaas oo adkeeyay amaanka goobta.

Gudoomiyaha degmada Shangaani oo warbaahinta kula hadlay xarunta ciidanka wadooyinka ayaa sheegay in ay ka hortageen qaraxa oo sababi lahaa khasaare intaas ka badan.

taraafiko taraafiko1 taraafiko2 taraafiko3

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300