Published On: Sun, May 8th, 2016

Yugandha oo beenisay in ciidamadooda ay kala baxayaan Soomaaliya

updf-in-somalia
Dowladda Uganda ayaa beenisay wararka sheegaya in ciidanka Uganda ee ku sugan gudaha Soomaaliya laga saarayo.

Afhayeenka ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya Padhi-Akunda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wararka sheegaya in ciidanka Uganda laga saarayo Soomaaliya in aysan waxba ka jirin.

Sidoo kale Afhayeenka ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya Padhi-Akunda ayaa sheegay in aysan waxba udhimi doonin ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya mushaar dhimistii dhowaan lagu sameeyay ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Hadalka Afhayeenka ciidanka Uganda ayaa ku soo aaday xilli dhowaan warbaahinta caalamka ay shaacisay in madaxweynaha Uganda Yoweri-musofani uu sheegay in ciidanka Uganda laga saarayo Soomaaliya.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300