Published On: Sun, May 8th, 2016

Wasiirka Maaliyada: “Waxaan keenay qalab looga hortagayo Musuq-maasuqa”

fargeeti

Maxamed Aadan Farkeeti Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya oo warbaahinta magaalada Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in Ilaa iyo 50 Haay’adood oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyeen qalab loogu talo galay in looga hortago Musuq-maasuqa.

Mudane Farkeeti ayaa sheegay in qalabkaan uu markii hore ku koobnaa oo kaliya wasaaradda Maaliyadda,Bangiga Dhexe iyo Kastamka,balse hadda la gaarsiiyay ilaa iyo 50 Hay’adood oo dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti ayaa intaa raaciyay in Nidaamkaan uu yahay mid la jaan qaadaya Nidaamka Maaliyadda ee Wadamada hormaray ay ku shaqeeyaan.

Waxaana uu sheegay in ay sahleyso in la ogaado halka ay ku baxdo Lacagta Hay’addaha dowladda Soomaaliya.

Maalmihii udambeeyay Wasaaradda maaliyada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay waday dadaalo lagu cirib tirayo Musuq- maasuqa.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300