Published On: Sun, May 8th, 2016

Wariye caan ka ahaa dalka Pakistan oo la dilay

Khurram Zaki
Wariye caan ka ahaa dalka Pakistan laguna magacaabi jiray Khurram Zaki una dhaq dhaqaaqi jiray xuquuqda aadanaha, ayaa lagu toogtay magaalada Karachi ee dalka Pakistan.Booliska Pakistan  ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay labo mooto ay xabado ku fureen. Khurram Zaki xilli uu ka casheeynayay  maqaayad ku taal waddada dhinaceeda ee waqooyiga magaalada Karachi  Labo ruux oo kale, ayaa ku dhaawacantahay rasaastii lagu furay wariyahaasi.

Ciidamada booliiska ayaa sheegay iney wadaan baaritaano la xiriira sidii loo soo qaban lahaa kooxihi ka dambeeyay dilkaasi, mana jirto Ilaa iyo hadda cid sheegatay weerarka lagu dilay wariyahaasi,

Khurram Zaki ayaa  ahaa tifaftiraha bog lagu magacaabo “Aynu dhisno Pakistan” kaasi oo wax ka sheega dagaallada kooxeysiga, isagoo dhiirogeliya dimuqraadiyadda iyo mabaadi’da cilmaaniga.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300