Published On: Sun, May 8th, 2016

Qeyb ka mid ah qalabka saadaasha hawada oo dalka la keenay

campus11
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay qalabka saadaasha hawada oo uu ka keenay dalka Kenya, si dowladda Soomaaliya ay ula wareegto maamulka hawada.Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qalabka uu ka keenay Kenya ay yihiin qeyb ka mid ah kuwii loogu shaqeynayay hawada Soomaaliya, uuna ku wareejin doono Wasaaradda gaadiidka maalinta Isniinta ah.

Danjiraha ayaa xusay in tani ay door weyn ka qaadan karto horumarka dalka, maadaama Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ay awood u yeelan doonto in caasimadda ay ka maamusho hawada dalka.

“Maalinta Isniinta ayaan rabnaa inaan qabano xaflad aan qalabkan ku wareejineyso madaxda Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, si inta dhiman loo soo dhameystiro” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiyada dalka Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300