Published On: Sun, May 8th, 2016

Guddi hoosaas soo diyaarinaya sharci lagu ansaxiniyo doorashada dadban sanadka 2016 oo kulmay

Guddoomiye-Jawaari-Billad-Giuseppe-Pitre-2
Sida uu qabo qodobka 63,aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka Gudi hoosaadka u xilsaaran soo diyaarinta mashruuc sharci lagu ansixinayo doorashada dadban ee sanadka 2016 dalka ka qabsoomi doonta  iyo hanaanka lagu fulinayo oo uu soo magacaabay guddoomoiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu yeeshay kulankooda ugu horeeyay, waxaana shir guddoomiyaya Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan‘’Jawaari’’ iyo ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ah guddoomiyaha guddigan.Ugu horeyn guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay In guddigan oo loogu talo galay in mashruuc sharci ah oo kasoo baxa baarlamaanka Jamhuuriyadda ay soo diyaariyaan iyo in nuquladii uu u qeybiyay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa hanaanka doorasho dib loo dhigo.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa guda galay ka doodida mashruuc sharci lagu ansixinayo doorashada dadban ee sanadka 2016 iyo sidoo kale  qorshaha iyo hanaanka lagu fulinayo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah habdhowraha golaha shacabka Federaalka Soomaaliya oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay kulanka maanta ee gudiga iyo qodobadii ay isku raaceen.

“Waxa uu soo jeediyay Guddoomiyaha in arrinta ay labo qeyb tahay, qeybna ay tahay in guddigan oo loogu talagalay in ay soo diyaariyaan mashruuc sharci ka soo baxay baarlamaanka, iyo qeybta labaad oo ah nuquladii uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay baarlamaanka, waxaana maanta noo dhamaatay sidii ay suurta gal u noqon lahayd, doorasho dadban”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.

Xubnaha guddigan oo ka kooban 21 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Federaalka soomaaliya Mudane Mahad C/lla Cawad,waxaana maalinta beri ah haduu Alle idmo ay ka doodi doonnaan qodobka labaad oo ah in qodod qodob looga doodo nuquladii uu u qeybiyay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa hanaanka doorasho, waxaana xil heynta guddigan hoosaad uu dhamaanayaa taariikhda uu goluhu ansixiyo sharcigan si waafaqsan isla qodobka 63,aad ee xeer hoosaadka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300